Walaalayaal Allah Tacaalaa wuxuu faray dadka iimaanka leh inay wax sadaqaystaan ayagoo uhor-marsanaya maalinta aysan jirin ehelo ama saaxiib wax badbaadinkara. Waa cajiib maalintaas! Xoolaha la tabcayo iyo daaraha la dhisayo waxba dadka kama raacayaan. Bal iskaba daaye dad kale ayaa dhaxlaya kuna dhaqmaya.
Hadaba waxaa is waydiin mudan, maxaa raacaya qof dhimanaya? Jawaabtu waxay tahay waxaa raacaya wixii uu sii sadaqaystay oo uu Allah dartiis u baxsaday asagoo walaalihiisa muslimiinta ah ku caawinaya kuwaasoo igu jira ehel dhow iyo mid fogba. Allah wuxuu yiri asagoo ku baraarujinaya adoomadiisa faaiidaha saqada. (يا أيها الّذين أمنوا أنفقوا مما رزقناكم من قبل أن يأتي يوم لابيع فيه ولاخلة ولاشفاعة والكافرون هم الظالمون)
Aayadaan walaalayaal macnaheeda waxay tahay, “kuwa iimaanka lehoow kuwaasoo Allah, dhamaan rusushiisa, iyo maalinta qiyaamaha rumaysanow waxan idinku irsaaqay waxka sadaqaysta kahor intay imaanin maalin aysan jirin beec iyo wax kala gadasho, saaxiib iyo mid shafeecaba, gaalada ayagaa dulmi iyo gaboodfal sameeya sababtoo ah nicmadii Allah uu siiyay ayay inkiraan amaba ku dheelaan ileen aakhiro ma rumaysnee”. سبحان الله
Runtii waa qasaaro nolosha hadii aan aakhiro waxloo hormarsanin. Dadka moodaya inay sadaqa wax ka nusqaaminayso waxaan xasuusinaynaa inaysan waxba ka nusqaaminaynin balse ay barakayso sadaqada xoolaha laga bixiyo. Waa bishaaro ka timid Nabigeena salallahu calayhi wasalam. “wuxuu yiri: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:” ما نقصت صدقة من مال”
Walaalayaal waa sax waxay diinteenu noo sheegayso sababtoo ah waa waxyi Rabbaani ah ileen Nabiga hawadiisa kama hadlo oo Allah ayaa u waxyoon jiray ama ku ilhaamin jiray wax walba oo uu ku hadlayo. Hadaba gunta iyo gunaanka hadalka wuxuu noqonayaa qof walbow waxa uu Allah kugu manaystay wax kala bax adigoo naftaada uhormarinaya ileen waa hubaal aakhiraa loo wada socdaaye.
Caawi walaalahaga baahan xag aqoon iyo nololba. Dar Allah ula bax aad birito goosatid mirahoodee. La dagaalan bakhiilnimada ay nafta bini-aadamka farayso. Waxaa gulaysay qofkii nolosha aakhiro u shaqaysta!!!!!!!!!
Ururka Badbaado waxa uu wax barasho lacag la’aan ah siiyaa arday ka badan illaa 800 qof. Awal bil kasta ururka Badbaado waxa uu mushaar ahaan u bixin jiray lacag ka badan 2000$ oo dollar. Hada waxaa lagu daray school cusub oo laga dhisay tuulada Buur Jiriqo mushaarkiina wuxuu noqday lacag ku dhow ilaa 3200$ oo dollar. Fadlan wax bixi oo caawi ardayga aanan wax barasho haysan oo ku nool meel aan school lahay adigoo usoo marinaya Ururka Badbaado. Jazaakumullahu khayran mucaawinooyinkiina. Maalin aad ubaahantihiin ayaad heli doontaan inha Allah Tacaalaa.
Waxaan Allah ka baryayaa inuu na garansiiyo in aan wanaaga isugu kaalmeyno. Howl wadeenada Ururkana Allaha ka ajar siiyo. Dadka la caawinayana Allaha u barakeeyo caawinta walaalahood.
amiin allaha naga digo wadaniyiin jecel ddkooda dalkooda qaasatan deganada eeyka soo jeedaan oo ah rural area