Thursday, December 14th, 2017

Ururka Badbaado oo dhameystirey Dhismaha Iskuulka Buurjiriqo(Daawo Sawirada).

Published on August 7, 2014 by   ·   13 Comments

Iyadoo in dhawaalaba ay soconayeen dadaalo looga soo horjeedo Jahliga qeeybo kamid ah Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya, ayaa haatan waxaa Iskuulaadka Wax barashada Aas aasiga ah waxa ay gaarayaan goobo hor leh.

Hey’adda Horumarinta Bulshada iyo Deegaanka ee Badbaado ee ay leeyihiin Beesha Saruur, ayaa waxaa markii ugu horeeysey ay Iskuul Elemantari ah ka aas aastey deegaanka Buur Jiriqo ee Hoostaga Degmada Jowle ee Gobolka Mudug.

Iskuulkaan ayaa waxa Qarashaad ku baxay dhismihiisa bixiyey Jaaliyadda Norway ee Saruur, iyadoo qarash lixaad leh uu ku kacay.

Iskuulkaan oo horaantiisii ay ku tar tameen labo Tuulo oo kala ah Tuulo Xaajiyo iyo Buur Jiriqo ayaa waxaa nasiib u Heley Tuulo Buurjiriqo sababo kala ah Ceel iyo Tirada dadka oo ay ka badnaatey Tuulada kale.

Iskuulkaan ayaa waxaa loo bixiyey Mubaarak Primary School, iyadoo ay Qarashaadka Iskuulka ku baxaya (Running Cost) ay bixintiisa ballan qaadeen Jaaliyadda Saruur ee Norway.

 

Qore: Ismail Warsame Ali (Kudhan)

Fiiro Gaar ah: Si aad u weyneysato Sawirada kudhifo sawirka.

DSCN0297

Munaasabadii Furitaanka Iskuulka oo Qolku intuu buuxsamey bannaak lataagan yahay

DSCN0293

Guddiga Tuulada Buurjiriqo oo u fadhiya katashiga Maareeynta Iskuulka

DSCN0297

DSCN0285

DSCN0284

DSCN0283

DSCN0242

Iskuulka oo la Shamiiteeynaayo.

DSCN0273

Ardey aan waligood helin Wax-barashada Maadiga ah.

DSCN0275

DSCN0278

DSCN0281

DSCN0233

Bannaanka Iskuulka oo lashamiiteeynaayo

DSCN0229 DSCN0220

Ciid iyo Shamiito qasan oo sugaya fuundiga in uu dalbadoDSCN0213

Kuraastii Iskuulka oo la isku dhadhajinayo kadib markii ay gaartey Tuulo Buurjiriqo

DSCN0212 DSCN0207 DSCN0209

Readers Comments (13)

  1. mahamud sodani says:

    Masha allah mar hadii skolkii uu noo furmay ayna caruur saruur ahi maanta goobtii ay deganaayeen waxbarasho ku heleen

  2. liban cumar jelbe says:

    Waxaan ku farax sanahay aniga ku hadlaayay
    Magaca jaliyada norway ee saruur kana mid ahaa dadkii u soo dhabar adegnay in ey fusho hoshan
    waxaan halkan ugu mahad celinaya beesha saruur ee norway qasatan walalkeyn cabdulqaadir mahammed saciid ku magac dher
    Shiiqay iyo walalaha ururka badbaado ka dhisay iskuul kan meeshii ku habooned
    Waxaan fariin halkaan ugu dirayaa dhamaan besh saruur ku nool gudaha iyo dibada in eey wax u qabtan jiilka soo koraayo oo cidna u maqneyn ceelna uqodneyn byeee

  3. Ali ahmed kediye says:

    Aqoon Daro: Aqoontu waa furaha guusha, waana ta keenta in la soo hooyo guulo waaweyn oo lagu naalaado. Waa geedka ay ummaduhu beertaan si midhihiisa waligood u goostaan, hadba heerka aqooneed ee ummadi leedahay waxa uu ka turjumayaa hadba sida uu mustaqbalkeedu u eekaan doono. Sidaynu wada ogsoonyahay dhalinyaradu waxa weeye laf dhabarka umadd kasta waana kaydka dhabta ah ee ay haysato, haboonna in si fiican looga faiidaysto, Mujtamac walbana Mustaqbalkiisu waxuu ku xidhanyahay dhalinyaradiisa, ummadii garata qiimaha dhalinyaradu leedahay si fiicanna u tarbiyadaysa dhalinyaradeeda waxay gaadhayaan guulo badan dhinac walba , laakiin umaddii iska dayacda dhalinyaradeeda waxa ku dhaca baaba’a iyo dabar go’a.

    Inta badan waxaynu taariikhda ku maqalnaa umada badan oo xadaarado lahaa laakiin xadaaradahoodii baaba’een , taana waxa u sabab ah dhalinyaradii umadahaa ayaa garan waayay doorkoodii siina wadi kari waayay xadaaradahii iyo horumarkii ay umadahoodu haysteen, tusaale ahaan: xadaaradihii Romanka, Greece, Faraaciinta, China iyo India…etc.

    Waayo wakhtiga qofku dhalinyarada yahay waxa weeye xiliguu uugu awooda badanyahay wax walbana inuu huro ay u fududahay, waxaanu leeyay xamaasad iyo firfircooni uu wax walba ku qaban karo,markaa hadii si fiican loo towjiihiyo quwaddaa dhalinyarada ku jirta waxa la gaadhayaa guulo badan.insha alllaah waxan ku soo kobayaa fikirkega guuuuuuuuuuul iyo midnimada besha insha alllaah dhalinta badbado iyo inta tagertay fikirkoda wacan

  4. mahad says:

    Runtii waa arrin lagu farxo dedaalka beeshu sameesay waxaane leeyahay dedaalka halasii wado waxaane rajeynaa in guusha hanan doono maalin dhow maanta soomaaliya qof jaahil waxbe kama ahan marka walaalayaal nafta hala huro wax si fudud udhisma majiraan dad horumar gaarey hadaad aragtaan waxay kugaareen midnimo

  5. INA janagale says:

    Talo. Talk. Talo.

    Matrka koobaad waxaan hambalyo udirayaa dhamaan inta San magaca wadaago
    Waxaan u mahad celinayaa inta u istaagtay caawinta walaalahood gaar aHaan BADBAADO.ORG

    OKAY
    F.G=== aduunyada kama ayaan dhicin macalin iskool dhigayo misana ku labisan macawiis

    F.G=== MADHICI KARTAA ARDAY MACAWIS IYO CIMAAMAD ISKUUL KU DHIGANAYA

    F.G===== FADLAN NIDAAMKA WAX BARASHO WAX KA BADALA

    AAD AYAAD UMAHADSANTIHIIN

    • ururkaba says:

      Ina Jannagale, waan kusalaamey walaale, marka xigta Sawirada sare ee aad aragto waa xafladdii furitaanka Iskuulka cusub ee Mubaarak Primary ee deegaanka Buurjiriqo, maahan iskuulka xiligaas sawirada laga qaadayo mid shaqeynaya.

      Waxaan filayaa in aad kaqanacdey macawista kkk, dhawaan waxaa nasoo gaaraya sawirada iskuulka oo shaqeynaya iyagana waan soo galin doonaa sida iskuulka Dumaaye oo kale.

      Mahadsanid

  6. faarax ceyrow says:

    waad salaamantihiin dhamaantiin waxaana Indiin.

    rajeynayaa guul

  7. cabdiraxmaan waranto says:

    mashaa,alaah hanbalyo hanbalyo waa arin lagu farxo in tuulooyinkii wadankeena hooyo schoolo laga furo, welibana mustaqbalka dhow in aanu helno jaamacado.

  8. calisalaad ibraahim says:

    maashaa Allah shalay iyo maanta meeshan shalay markaan sahminayay dhulkaas dadku wet ilayaabanayeen oo waxey ilahaayeen dadkii idinka horeeyay ayaa wax qaban waayay lkn Amiga wey ii muuqatay tan inaan mustaqbalka dhow gaari doono kadibna aan kor uga sii gudbi doono insha allah reer burjiraqana waxaan leeyahay amaano ayaa leeydiin dhiibay sida eeytahay uguta oo marnaba hadayicinina amaanadaas culus insha allaj

  9. sayid maxamed says:

    Dhamaan waxaan halkaan kasalaamayaa odoyaasha,aqoonyahanada iyo ,dhalinyarada beesha saruur waxaan idinku waaninayaa inaad kudadaashaan sida aad kuhormari lahaydeen deegaankiina iyo dadkiina, waadna kumahadsantihiin dhisitaanka iskuulada

  10. reer ali xoosh abdi wadhowr says:

    walalahen jaliyada Norway ad bay umahadsanyihiin schoolki ad kadhisteen buurjiriqo wa kudayasho wacan iyo ururka badbado walalahay kunjeer thanks

  11. MaryMJ says:

    Hello! My name is MaryMarkova, our compane need to advertise on your website. What is your prices? Thank you. Best regards, Mary.

    • ururkaba says:

      Helow Mary Markova

      MY Name is Ismail Warsame, thank you for communicating with us.

      The Price Per viewer is $5, and after accepting the price, you will receive official quotation from us.

      Thank you and don’t hesitate to contact me.

      Regards

      Ismail Warsame Ali



Fun Raising

Shir Wacyi galin ah oo kadhacaya Muqdisho

May 6, 2017
Ogeeysiis   Dhammaan Xubnaha Ururka Badbaado ee Soomaaliy, waxaa lagu war galinayaa in laqabanayo shir wacyi galin ah oo ...
badbaado

Liiska Ardeyda heshey Wax-bashada bilaashka ah ee Jaamacadaha Gudaha

November 23, 2016
Ururka Badbaado ee kashaqeeya horumarinta Wax-barashada, Biyaha, Caafimaadka iyo Horumarinta deegaanka ayaa waxaan bulshada uu u adeego halkaan ...
DSC00131

Shirka Dhaqaale u aruurinta agoonta (Sawiro)

August 29, 2015
Shir looga arinsanayey qaabka ugu haboon ee lagu taageeri karo mash-ruuca kafaalo qaadka ardeyda agoonta ah ee beesheena ...
canstockphoto9751902_Education

Ogeeysiis: Deeqo Wax-barasho dibadda ah oo labixinayo

April 17, 2015
Ururka Horumarinta ee Badbaado (Badbado Foundation), waxa uu ku war galinayaa dhammaan dhalinta dhameeysatey wax barashada dugsiyada sare ...
Picture 269

Ururka Badbaado Oo Siminaar u Qabtay Mcalimiinta (DAAWO SAWIRADDA).

March 31, 2015
Ururka Horumarinta Ee Badbaado Ayaa Siminaar Aqoontooda Kor loogu Qaadayay markii ugu horaysay u qabtay macalimiinta 5 school ...

Congratulations for the Badbaado Organization Team!!!

March 26, 2015
Congratulations to the Badbaado Organization Team!!! We are proud of the commission that Badbaado group pays for the ...
please

There is a wisdom says that “Charity begins Home!”

March 25, 2015
  Obviously, Somali people faced on war and hard life which carries misery emotions and problems for more than ...
imagesCA3LWSDZ

Badbado development organization has tried to get the attention of its community over the world.

March 8, 2015
Badbado organization has been working since 2010. It built more than six schools in several parts of Xarardheere ...
canstockphoto9751902_Education

Xubnaha Jaaliyadda Seattle waa kuwa ku dayasho mudan

February 14, 2015
Halkaan waxaan waxaan uga mahadcelinaynaa  Xubnaha Jaaliayadda reer Seatle Washington Ee maraykan ka Ku waa oo Lcago Tabarucaad ...
imagesCAC2O8P0

jaaliyadda Seattle Washington ee Maraykan ka oo lacag ugu Deeqay Ururka Badbado.

January 25, 2015
Waayahan danbe ururka badbaado ayaa xiriiro dhaw la samaynayay jaaliyadaha dibadda ee beesha si ay gacan uuga geestaan ...